Daariz English

Daariz English

Sahamiye Foundation

Available on Google Play
4.5(251)
50,000+ installsFreeEducation

Updated Dec 23, 2022 · v2.1.1

CompareView on Google Play
Screenshot 1
Screenshot 2
Screenshot 3
Screenshot 4
Screenshot 5
Screenshot 6
Screenshot 7
Screenshot 8

Barashadii Af-Ingiriisida oo la fududeeyey!

Qaybta barashada Af-Ingiriisida ee barnaamijka Daariz waxa loogu talogalay in aad ku barato ku-hadalka, akhriska iyo qoraalka Ingiriisida. Af-Ingiriisida waad ka baran kartaa haddii aad tahay qof hadda bilaw ah iyo haddii aad hore wax uga taqaannay ba. Ujeeddooyin badan ayaa loo bartaa afka Ingiriisida. Waxa ka mid ah in aad ku wanaagsanaato luuqadda kolka aad dugisga ku baranayso, iyo in aad ku kabto aqoonta shaqadaada ama aad shaqo cusub ku raadsato ba. Sidoo kale, waxa loo bartaa in aad kula sheekaysto dadyaw aad wax ka dheefayso, ama ugu yaraan in aad maskaxdaada cariso oo aad barto af cusub. Barnaamijkan waxa soo diyaariyay dad luuqaddan iyo dhigisteeda ba aqoon u leh. Waxa ku jira barnaamijka Daariz ee Ingiriisida casharro, laylisyo iyo imtixaanno xiiso leh oo xidhmo-xidhmo ah. Maadaama oo barnaamijkani yahay mid aan u baahnayn khadka internetka, goob kasta iyo goor kasta wax waad ku baran kartaa. La soo deg barnaamijka Daariz ee Ingiriisida: ● Si aad u koriso aqoontaada naxwaha, tirada ereyada aad taqaanno ama aad ugu tababarato ku-hadalka, akhriska iyo qoraalka Af-Ingiriisida. ● Si aad ugu guuleysato billado iyo geel kolkasta oo aad cutub dhammayso. Kula tartan saaxiibbadaa tirada geela ah ee aad hesho kolkasta oo aad mustawe ka gudubto. Bilaw maanta oo go’aanso in aad barato ama kobciso aqoontaada Af-Ingiriisida. La soo deg barnaamijka Daariz ee barashada Ingiriisida. Waxa aanu ku soo dari doonnaa barnaamijkan cutubyo cusub si aad mustawe hoose ilaa mid sare halkan wax uga barato. Arrinkani waxa uu kaa caawin doonaa in aad barato maaddooyinka kale ee ku qoran Af-Ingiriisida sida Xisaabta iyo Sayniska. Tani waxa ay qof kasta u saamixi doontaa in uu iskii u dedaalo oo wax u barto hadhaw na u fadhiisto imtixaanno lagu helayo shahaadooyin kala geddisan.

Released
September 6, 2022

3 years on Google Play

Version
2.1.1
Updated
Dec 23, 2022
Content Rating
Everyone
Installs
50,000+
Developer
Sahamiye Foundation
Website
https://daariz.org
Email
info@daariz.org
In-app purchases
No

This app isn't currently appearing in any tracked top charts.

Rating breakdown

5
219
4
0
3
0
2
0
1
31